TOOS U DHAGEYSO:- Booliska Magaalada Baardheere oo Amaro ku soo rogay Shacabka

0

Taliska boliiska degmada Baardheere ee gobolka Gedo ayaa waxa uu shacabka Baardheere ku nool ku amray in ay soo sheegaan Al-shabaabka ku dhuumaaleysanaya degmada.

Taliye ku xigeenka boliiska Baardheere Guhaad Maxamed Macalin oo la hadlay Idaacadda Risaala ayaa waxa uu sheegay in looga baaahan yahay shacabka in ay amaanka qeyb ka qaataan oo ay ciidanka u soo sheegaan kooxaha falalka amni daro ka geysanaya degmada Baardheere.

Taliyaha ayaa dhanka kale waxa uu shacabka ka dalbaday in ay la shaqeeyaan ciidamada amaanka si looga wada shaqeeyo amniga degmada iyo deganaanshaha, waxaana uu sheegay in ay muhiim tahay shacabka iyo ciidamada in uu xiriir dhexmaro.

Shalay ayay aheyd markii degmada Baardheere qarax lagula eektay mooto Bajaaj, waxaana dhimasho iyo dhaawac ay ka soo gaareen dad shacab ah, iyadoo maalmihii la soo dhaafay amniga degmada Baardheere uu ahaa mid wanaagsan.

HALKAAN KA DHAGEYSO