Muwaadiniin Soomaaliyeed oo loo heysto ku biirada Daacish oo lagu maxkamdeenayo Mareykanka

0

Muwaadiniintan Soomaaliyeed oo loo heysto qorsheynta in ay ku biiraan Kooxda Daacish oo ku xoogan Dalalka Ciraaq iyo Syria ayaa lagu wadaa in Sagaalka Bisha May ee soo socota lagu Maxkamadeeyo Dalkaasi Mareykanka.

Muwaadiniintan eedeysan oo tiro ahaan gaaraya 4 Ruux ayaa lagu kala magacaabaa Cumar, Xamza Naaji Axmed, Maxamed C/xamiid Faarax iyo C/raxmaan Yaasiin Daa’uud.

Dacwad-oogayaasha Dalka Mareykanka ayaa sheegay in Dhalinyaradaasi Soomaaliyeed ay qorsheenayeen in ay ku biiraan Ururka Daacish, kadibana Weeraro ay ka fuliyaan qeybo ka mid ah Dalka Mareykanka.

Sidoo kale, Dacwad-Oogayaasha ayaa ku eedeeyay Muwaadiniintaasi Soomaaliyeed qorshe lagu dhisayo ama lagu abuurayo Shabakad Dhalinyarda u qorta Kooxda Daacish.

Dhinaca kale, Hay’adda Sirdoonka Mareykanka ee FBI ayaa shaacisay tobanaan qof Somalia-Mareykan ah oo ka tagay Magaalada Minnesota in ay ku biireen Kooxda Daacish

Ugu dambeyn, Hay’adda FBI-da Mareykanka aya sheegtay in ay hayaan cadeymo muujinya Soomaali badan oo ku sugnaa Mareykanka ay ka mid noqdeen Ururka Al Shabaab oo ka Dagaallama Dalka Soomaaliya.