DHAGEYSO:- Howlgalo culus oo ka socda magaalada Baardheere iyo dad lagu soo qabtay

0

Waxaa magaalada Baardheere ee gobolka Gedo ka socda baaritaano ay sameynayaan Ciidamada amaanka ee Dowlada, waxaana la sheegay in baaritaanadaasi ay yihiin kuwa la doonayo in Al-Shabaabka ku sugan baardheere gacanta lagu soo dhigo.

Saraakiisha hor ka dhaceysa howlgalada ka socda Baardheere ee gobolka Gedo ayaa sheegay in ay doonayaan iney Al-Shabaabka ku sugan baardheere ay gacanta ku sugaan si loo xaqiijiyo amaanka guud ee magaalada Baardheere.

Howlgalada ayaa waxaa laga sameynayaan Xaafadaha Magaalada Baardheere, waxaana guri guri ay ciidanku u galayaan xaafadaha magaalada Baardheere.

Saraakiisha horkaceysa howlgalada ayaa warbaahinta u sheegay in ay weli socdaan howlgalada isla markaana wixii ka soo baxa howlgalada ay dib ka soo sheegayaan.

Hoos ka Dhageyso Codka:-