DAAWO:- Madaxweynaha Puntland oo Adis Ababa ku Booqday Askartii Puntland ee ku dhaawacmay Dagaaladii Al-Shabaab

0

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo Safar shaqo u jooga magaalada Addis Ababa ee caasimadda Waddanka Ethiopia ayaa maanta booqday ciidamadii Puntland ee ku dhaawacmay dagaalkii Puntland lagaga sifaynayey kooxihii Al-shabaab ee duullaanka kusoo qaaday Puntland, kuwaas lagu dabiibayo cusbitallo ku yaalla magaalada Addis Abab ee xarunta dalka Ethiopia.

Booqashada ayaa Madaxweynaha waxaa ku wehelinayey Wasiirka Dekedaha, gaadiidka Badda iyo ladagaallanka Burcad badeedka Cabdullaahi Jaamac Saalax, Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Cabdiweli Xirsi Indho-guran iyo Xildhibaan Cabdiraxmaan Siciid isla markaana waxay soo booqdeen dhammaan dhaawacyadii oo xaaladdoodu aad u wanaagsan tahay.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa mid-mid ula sheekaystay dhaawacyadii si’uu si hoose ugu ogaado xaaladohooda guud ahaan, isla markaana waxa uu amray in waddanka India loo qaado dhaawacyada qaybtood si baadhitaan dheeraad ah loogu sameeyo.

1 2 3 4 5