DAAWO:- Go’aano laga soo saaray Shirkii ka socday Kismaayo

0

Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Federaalka ayaa Kismaayo kusoo gunaanaday shir socday afar maalmood oo looga tashanayay sidii loo horumarin lahaa xiriirka WA&F iyo Wasaarradaha Arrimaha Gudaha ee dowlad Goboleedyada. Wadatashiga waxaa kasoo baxay War-murtiyeed yididiilo leh.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Federaalka waxeey Dowlada Jubbaland uga mahad celinaysa martigelinta shika iyo sagootintii qiimaha badneyd ee ay wufuuda usameeyeen.

‘Jawi lagu farxeey Jubbaland Caan kutahay’

Kulankaan oo socday muddo afar maalmood ah 17kii ilaa 20ka Abriil 2016 waxaa kasoo baxay qodobada hoos ku qoran:

  1. In la joogteeyo kulamada wasiirada heer Dowlad Federaal, Dowlad Goboleed iyo maamullada Gobollada Banaadir, Hiiraan iyo Shabeellada Dhexe, isla markaana laqabto kulamada noocaan oo kale ah bishiiba hal mar laguna qabto caasimadaha Gobollada iyo Caasimada Dalka ee Muqdisho.
    2. In la xoojiyo xiriirka Wasaradda Arimaha Gudaha iyo Federaalka iyo Wasaaraddaha Arimaha Gudaha ee Dowlad Gobleedyada iyo Maamullada Banaadir, Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.
    3. In wasaaradda Arimaha Gudaha iyo Federaalku samayso xafiis si gaar ah ugu xilsaaran xiriirinta Wasaaraddaha Arimaha Gudaha ee Dowlad goboleedyada iyo Gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe (Federal Desk).4. In Wasaradda Arimaha Gudaha iyo Federaalka ay xil iska saarto sidii dhaqaale loogu heli lahaa hergelinta iyo horumarinta arrimaha Federaalka.
    5. In barnaamijka Wadajir uu noqdo qaabka loo maraayo dib-u-heshiisiinta, wada hadalka bulshada, mashaariicda bulshada iyo dhismaha goleyaasha deeganka.
    6. In barnaamijka Wadajir taaba gelintiisa looga hadlo kulanka danbe ee Baydhabo
    7. In la is waafajiyo qaab – dhismeedka Wasaaraddaha Arrimaha Gudaha iyo Federaalka iyo Wasaaraddaha Arrimaha Gudaha ee heer dowlad goboleed.
    8. Shirku wuxuu soo jeedinayaa in la dardar geliyo isku xirka iyo iswaydaarsiga xogaha si joogto ah.
    9. Shirku wuxuu soo jeedinayaa in la dardar geliyo isku xirka taakulaynta bani’aadanimada.

Hoos ka Daawo Sawirada:-

4 1 2 3