Ciiddamo fara badan oo Ethiopian ah oo u tallaabay xuduudka dalka Koonfurta Suudaan.

0

Wasiirka Isgaarsiinta Dowladda Ethiopia, Getajew Reeda ayaa sheegay inay Ciiddankaasi baadi-goobayaan carruur Ethiopian oo isbuucii hore la qafaashay.

Waxa uu tilmaamay inay heleen macluumaad ku aadan halka lagu hayo Carruurtaasi, taasina ay keentay inay Ciiddanka Ethiopia gudaha u galaan dalka Koonfurta Suudan, iyagoo fasax ka helay Madaxda dalkaasi.

Idaacadda FANA ee magaalladda Addis Abeba ayaa goor dhow sheegtay inay Ciiddanka go’doomiyeen halka lagu haystay carruurta, waxaana socda hawlgal lagu soo badbaadinayo carruurtaasi oo tiradoodu dhan tahay 102 carruur.