XOG:- Sidee loo qeybsaday Xubnaha Aqalka Sarre uga soo aaday Goboladda Puntland

0

Ila xog ogaal ah oo laga helayo qaabka loo qeybsaday xubnaha Puntland uga qeybgali doona Aqalka sarre ee ay yeelan doonto dawladda Faderaalka ee Soomaaliya, kaas oo tiro ahaan ka koobnaan doona 54 xubnood, waxaana Puntland ay ku leedahay 11 xubnood.

Madaxweyne Gaas ayaa arrimahan wali latashiyo kala sameynaya Isimada dhaqanka Iyo waxgaradka kala duwan, waxaana ugu dambeynta lafilayaa in meelmar laga dhigo xubnahan inta aysan dhamaan mudada baarlamaanka dawladda Faderaalka ee hadda jira.

Warar hoose oo aan helnay waxay xaqiijinayaan in xubnaha la helay loo qeybsaday gobalo ahaan, iyadoo lagu saleeyey habka hadda loo qeybsado xubnaha baarlamaanka Puntland ee dhisan, Gobal gobal ayaana loo qeybsaday.

Laakiin arrimaha wali baaritaanka ku jira ayaa ah ma waxaa lasiiyey xubnihii horey u heystay Xildhibaanimada, mise beelihii aan baarlamaanka laheyn, taas oo ah arrimaha ugu badan ee hadda la dhawrayo.

SHAXDA aan helnay waxa ay gobalada Puntland u kala qaateen xubnaha Aqalka Sarre sidan soo socota.

Gobalka Mudug wuxuu helay 2 xubnood
Gobalka Nugaal wuxuu helay 3 xubnood
Gobalada SSC waxay heleen 3 xubnood
Gobalada Bari & Karkaar waxay heleen 3 xubnood.

Lama garan karo in ay gobaladdu ku qanci doonaan shaxdan oo aan wali aheyn mid si rasmi ah uga soo baxday dawladda Puntland, balse xogtaan ayaa la helay, iyadoo ay suuragal tahay in ay mar kasta wax iska bedeli karaan.

Siyaasiin kala duwan ayaa hardan ugu jira sidii ay ugu soo bixi lahaayeen Aqalka Sarre, waxaana goor horeba magaalada Garoowe soo gaaray Siyaasiin iyo shaqsiyaad caan ah oo doonaya in ay ka mid noqdaan gollahan.

Madaxweyne Gaas marka uu ka soo laabto Safarka aan wali la shaacin in uu kutagayo dalka Sacuudiga ayaa lafilayaa in uu si rasmi ah arrimahan u gudo galo, iyadoo warar hoosaadyadu ay sheegayaan in goor horeba qoondada qaarkeed la dajiyey.