XASAASI:- Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka hadlay Safaaradaha tirada badan ee ku yaala XALANE iyo Musuq maasuqa

0

Xasan Sheekh Maxamuud Madaxweynaha Soomaaliya ayaa Markii uhoreysay ka hadlay waxa dowladiisa uga qorsheysan safaaradaha tirade badan ee ku dhextaala Gudaha Xarunta xalane oo ah xerada ugu weyn ee AMisom ku leeyihiin Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan oo ka hadlayay suurta galnimada in safiirada ku dhex shaqeeya Gudaha xalane dibada loo soo saare oo la dajiyo dagmooyinka Gobalka Banaadir ayuu ku sheegay in dowladiisa aaney xiligan ku qasbi Karin dublumaasiyiinta iney shaqadoodu usoo weeciyaan meelaha kale ee Magaalada Muqdisho.

Xasan sheikh maxamuud ayaa wax lagu farxo ku tilmaamay in safiiradu ku dhex shaqeeyaan meel kamid ah muqdisho halkii horay safaaradahooda ku yaaleen Magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya,isagoona muujiyay yidadiilada ah iney safaaradahooda usoo guuriyaan Dagmooyinka Qaar ee Muqdisho.

Safaaradaha caalamiga ah ee dibada ka ah xalane ayaa kamid ah safaarada turkiga soomaaliya,Tan imaaraatka iyo mida Qatar oo ku taala meelaan ka fogeyn safaarada Turkiga.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa dhinaca kale laweydiiyay aragtidiisa ku aadan warbixinada la xiriria dhinaca Musuqmaasuqa ee sanadkiiba mar soo saarto hay’ada la xisaabtanka iyo cadaalada ee Q.Midoobey.

Madaxweynaha soomaaliya Xasan sheikh Maxamuud Khudbad uiu ka jeediyay shirkii Golaha Amaanka ee Q.Midoobey ee malin ka hor ka dhacay Washington ayaa waxyaabaha uu taabtay waxaa kamid ah dadaalada dowladiisa y ku bixisay ciribtirka Musuqa oo la sheego inuu yahay waxyaabaha dib udhigaya Hormarka ay tiigsaneyso dowlada soomaaliya.

Madaxweyne Xasan sheikh maxamuud oo ku dhawaaqay inuu yahay Musharax utartamaya xilka madaxitinimo ee soomalaiya dhamaadka sanadan ayaa waxyaabaha lixdiisii tiir markii uu musharaxa ahaa 2012kii waxaa ka qeyb ka ahaa ucadaalad falida guud ahaan dadka ku dhaqan soomaaliya.