WAR DEG DEG+DHAGEYSO WAREYSI:- Al-shabaab oo Odayaal ka afduubtay Hiiraan iyo Mid ka mid ah odayaasha ka badbaaday Al-Shabaab oo afka furtay

0

Sida ay noo sheegeen Dad Goobjoogeyaal ah oo ku sugan Galbeedka Magaalada Baledweyne ayaa Tuulo lagu Magacaabo Qarincadd waxaa laga Afduubtay ugu yaraan 9 Oday Dhaqameed oo ka mid ahaa Dadka Tuuladasi iyo hareeraheeda ku nool.

Afduubka Odayaasha ayaa waxaa geeystay Xarakada Al-shabab Dagaalameyaal ka tirsan.

Mid ka mid ah Odayaashii ka badbaaday Afduubka ayaa KNN u sheegay in Al-shabaab ay u yimaadeen Odayaasha oo Kulan Duco ah ku lahaa Degaan islamarkaana ilaa 9 Oday laga kaxaystay.

Odayga nala hadlay ayaa intaa ku daray inuu Naftiisa la baxsaday,waxaana Waxgaradka la watay ay u badan yihiin Odayaal da’ah.

Wararka ayaa intaa ku daraya in Odayaasha lala aaday dhanka Degmada Buula-barde ee Gobolka Hiiraan oo hadda Caasimad looga dhigay Maamulka loo sameynayo Hiiraan iyo Shabellaha Dhexe.

Wali lama Oga Sababta Al-shabaab ay Odayaasha u Afduubteen,balse ma Cusba in Xarakada Al-shabaab ay Dad rayid ah qafaashaan.

HALKAAN KA DHAGEYSO WAREYSIGA