WAR DEG DEG:- Qarax ka dhacay degmada Baardheere

0

Wararka ka imaanaya Degmada Baardheere ee Gobolka Gedo ayaa sheegaya in Qarax Dhimasho iyo Dhaawac Sababay uu maanta ka dhacay degmada Baardheere Ee Gobolkaasi Gedo.

Qaraxa ayaa lala beegsaday Mooto Bajaaj sida ay sheegeen dad Goobjoogeyaal ah.

Hal Qof ayaa ku dhintay Qarax,waxaana ku dhaawacmay ilaa Saddex kale oo Dhamaantooda Shacab ahaa.
Ciidamada Ammaanka degmada Baardheere ayaa halkaa ka sameeyay Baaritaano,mana jirto cid ay u soo qabteen.