WAR DEG DEG:- Maamulka Galmudug oo sheegay in ay soo qabteen Dad lala xiriirinayo inay Gowraceen Gabar

0

Gaashaanle Dhexe Maxamuud Cilmi Maxamuud oo ka mid ah Saraakiisha Ciidamada maamulka Galmudug ee Gobolka Mudug oo wareysi siiyay Idaacadda Shabelle ee Muqdisho ayaa tilmaamay in howlgallo Ciidamada ammaanka Galmudug ka sameeyeen deegaano ka tirsan maamulkaas lagu soo qabtay illaa 3 qof oo loo heysto dilka Gabar oo dhawaan dhacay.

Maxamuud Cilmi Maxamuud ayaa xusay in ammaanka deegaanada Galmudug uu yahay haatan mid wanaagsan islamarkaana Ciidamada Galmudug ay ka shaqeeyaan amniga , Nabadda iyo Xasiloonida deegaanada maamulkaas.

Sarkaalkaan ayaa sidoo kale ka dhawaajiyay in inkabadan 150 Maxaabiis ah ayaa haatan ku jiraan Xabsiga Galmudug ee Koofurta Magaalada Gaalkacyo.

Waxaa kale uu tibaaxay Maxamuud Cilmi in wada shaqeyn wanaagsan ay kala dhexeyso shacabka deegaanada Galmudug.