TOOS U DHAGEYSO:- Wararka Jowhar iyo Shirka Maamul u sameynta Hiiraan iyo Shabeelaha dhexe oo Meel wanaagsan maraya

0

Wararka ka imaanaya magaalada Jowhar ayaa waxa ay sheegayaan in shirka maamul usameynta gobolada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe uu meel wanaagsan marayo.

Dowladda Soomaaliya ayaa dhowaan waxa ay magaalada Jowhar ka furtay shirka maamulka loogu sameynayo labada gobol, iyadoo wali ay jiraan waxgarad ka soo jeeda Hiiraan oo wali dhaliilsan shirka ka socda magaalada Jowhar ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Gudoomiyii hore ee magaalada Beledweyne Sheekh Cusmaan Bare Maxamed oo qeyb ka ah xubnaha ka qeyb galaya shirka maamul usameynta gobolada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe ayaa Idaacadda Risaala u sheegay in shirka hada uu marayo meel wanagaasan oo la siku fahmay.

Hadalkan ayaa waxa uu ku soo aadayaa xilli shir dib uheshiisiin ah uu wali ka socdo magaalada Beledweyene ee gobolka Hiiraan.

HALKAAN KA DHAGEYSO