TOOS U DHAGEYSO:- Howlgalo laga sameeyay Seydheere, Misir, Waajid iyo Bardaale oo dagaalyahano Al-Shabaab ka tirsan lagu soo qabtay

0

Ciidamada maamulka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya ayaa maalmahan waxa ay howlgallo adag ka wadeen deegaano ka tirsan gobolada Bay iyo Bakool.

Waxaana ciidamada deegaanada howlgalka ay ka sameeyeen ka mid ah Seydheere, Misir, Waajid iyo Bardaale oo ka tirsan Bay iyo Bakool.

Ciidamada inta ay wadeen howlgalka ayaa waxa ay dagaal kala kulmeen ururka Al-shabaab kaibna waxa ay gacanta ku soo dhigeen kooxo ka tirsan Al-shabaab, qaar kalena sida lasheegay in ay ku dileen howlgalka.

Taliye ku xigeenka ciidamada maamulka Koonfur Galbeed Maxamed Isaaq Caracase oo Idaacadda Risaala la hadlay ayaa ka warbixiyay howlgalka ay sameeyeen iyo dadkii ay ku soo qab qabteen.

Dhowaanahan ciidamada maamulka Koonfur Galbeed ayaa waxa ay wadeen howlgallo ka dhan ah ururka Al-shabaab.

HALKAAN KA DHAGEYSO