TOOS U DHAGEYSO:- Gudoomiyaha cusub ee Al-Shabaab u magacaabeen Gobolka mudug oo Khudbad layaab leh jeediyay

0

Ururka Alshabaab ayaa markii ugu horraysay waxay ugu yeeraan waalli ( Guddoomiye) u soo magacaabatay Gobolka mudug ee bartamaha Soomaaliya, waxaana ninkaan lagu magacaabaa C/qaadir Xaaji oo ku magac dheer Abuu Cadnaan isagoo ku sugan degmada xarardheee ee koonfurta gobolka Mudug.

Waalligaan oo markii ugu horraysay warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in gobolka mudug uu u qaybsan yahay qayb ay Alshabaabkoodu joogaan iyo qayb dad cadow ah joogaan waa sida uu hadalka u dhigaye.

Baaq uu jeediyey ayaa shacabka Gobolka mudug ugu yeeray inay Gaalada iyo Gaalo raacyada dadka ay Alshabaab u yaqaanaan, si gaar ah waxaa u xusay magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug oo uu sheegay inay gacanta cadowga ku jirto islamarkaasina waxyaabo aan fiicnayn ay ka socdaan.

Magacaabistaan ninkaan Alshabaab ay magacaabatay Guddoomiyaha Gobolka Mudug ayaa imaanaya iyadoo muddooyinkii dambe Alshabaab isku aruursanayeen Koonfurta Mudug iyo Galgaduud halkaas oo 14-kii Maarso ay Puntland uga soo duuleen balse dagaalkaas lagu jabiyey maleeshiyaadkii ay Puntland u soo dirsadeen.

HALKAAN KA DHAGEYSO