TOOS U DHAGEYSO:- Culumaa’udiin iyo waxgarad si kulul kaga hadlay Dhacdooyinkii Foosha xumaa ee ka dhacay Gobolka Sh/Hoose

0

Kulankaan oo ahaa mid ay isugu yimaadeen Culumaa’udiin Soomaaliyeed , waxgarad iyo Masuuliyiin ka tirsan dowladda ayaa waxa ay si faah faahsan uga hadleen dhibaatooyin maalmihii u dambeeyay ka dhacay deegaanno ka tirsan Gobolka Shabeelaha Hoose..

Dhibaatooyinkaas oo isugu jira Dab la qabadsiiyay , Guryo iyo dad nool ayaa waxaa ka hadlay Sheekh Nuur Baaruud Gurxan oo ka mid ah Mashaa’ikhda Hay’adda Culimada Soomaaliyeed ayaa waxa uu tilmaamay in ay soo jireen ahayd dagaallo u dhexeeyo umadda Soomaaliyeed , balse arrintaan ah in dad la gubo ayaa waxa ay noqoneysaa mid ugub ah islmarkaana aan sal iyo raad toona lahayn marka loo eego diinta Islaamka iyo dhaqan Suuban ee Soomaalida.

Sheekh Nuur Baaruud Gurxan ayaa dowladda Soomaaliya ka dalbaday in Cadaaladda la horkeeno shaqsiyaadkii ka dambeeyay falkaas.

Dhanka kale Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Diinta maamulka Koofur Galbeed Axmed Maxamed Barre ayaa waxa uu sheegay in xeerarka dagaaladii Soomaalida ay ka baxsaneed in la dhibaateeyo , Haween iyo Caruur aan waxba galabsan, isagoo hoosta ka xariiqay in xalka looga bixi karo dhibaatadaan ay tahay in dadkaas Soomaaliyeed ay wada hadlaan.

Maalmihii la soo dhaafay ayaa dagaallo sokeeye oo khasaarooyin kala duwan sababay waxa ay ka jireen deegaanno iyo degmooyin Hoostaga Gobolka Shabeelaha Hoose.

HALKAAN KA DHAGEYSO