DHAGEYSO SIR LA FASHILIYAY:- Xildhibaan sheegay inuusan ka mid aheyn Dadka Mooshinka ka wada Shirka Jowhar balse Saxiixiisa la isticmaalay oo la qiyaanay

0

Iyadoo Xildhibaano Ka tirsan Baarlamaanka ay gudbiyeen Mooshin ka dhan ah shirka Hiiraan & Sh/dhexe ayaa waxaa soo baxay mudanayaal ka soo horjeeda Mooshinkaasi oo cabasho ka ah sixiixooda oo la isticmaalay.

Xildhibaan Shaacir oo ka mid ah Baarlamaanka ayaa wuxuuna ka dalbaday Mudanayaasha mooshinkaas wada in ay uga cudur daaraan magaciisa ay adeegsadeen & sixiisa la xaday oo waxba uusan ka ogeyn.

Sidoo kale Xildhibaan Shaacir ayaa ku baaqay in Shabeelaha Dhexe iyo Hiiran aan laga reebin Gobollada kale ee maamullada sameystay ee hada jira.

Inkabadan 40 Xildhibaan ayaa dhawaan Mooshin ay ku dalbanayaan hakinta Shirka maamul u sameynta Hiiraan & Sh/Dhexe waxa ay u gudbiyeen guddoonka sare ee Golaha Shacabka.

HALKAAN KA DHAGEYSO