Tahriibayaal Cusub oo la soo badbaadiyay

0

Tahriibayaal cusub ayaa la sheegay in laga soo badbaadiyey badda U dhaxeysa Masar  iyo Talyaaniga waxaana la sheegay ciidanka badda talyaanig ay arkeen dooni ay saaranyihiin ku dhawaad 210  oo dul sabeynaysa  Xeebaha dalkaas.

Wariye ka tirsan warbaahinta Talyaaniga ayaa sheegay in xalay Saq dhexe la gaariiyay Jasiirada dekeda leh Sishiliya oo kutaala koofurta dalka talyaaniga.

Markab soo badbaadiyay dadka tahriibayaasha ayaa lagu magacaabaa MV Jean-Francois Deniau waxaana warbaahinta qaar ay qorayaan in laga leeyahay dalka faransiiska.

Maamulka jasiirada ayaa sheegay in tirada guud ee dadka la geenay jasiirada ay tahay 210 oo isku jira rag iyo dumar waxayna  sheegeen in  64 ka mid ah ay caruur  yihiin.

Tahriibayaasha ayaa la sheegay in ay kasoo kala jeedeen dalka Somalia, Sudan, Masar, Ethiopia, Eritrea, Kamiruun iyo Yemen.

Shalay ayey aheyd markii la shaaciyey in ay dhinteen 450 u badan Soomaali.