Riek Machar oo labo sano ka hor magaalo uu ka qaxay maanta dib ugu laabanayo

0

Hogaamiyaha mucaaradka ee dalka South Sudan, Riek Machar ayaa saaka la filayaa inuu dib ugu noqdo magaalada caasimadda ee Juba.

Mr Machar ayaa magaaladaasi ka qaxay laba sano ka hor, markii uu bilowday dagaalka sokeeye ee dalkaasi.

Waxaa loo maleynayaa in loo dhaarindoono xilka madaxweyne ku xigeenka taas oo qeyb ka ah heshiiskii la saxiixay bishii August ee sanadkii tagay.

Dib u noqoshadiisaasi waxa suuragal ka dhigeysaa sameynta dowlad midnimo qaran.

Dowladdaasi midnimada ayaa waxa ay ka koobnaan doontaa madaxweyne Salva Kiir iyo xisbigiisa SPLM iyo Riek Machar iyo xisbigiisa mucaaradka ee SPLM-IO.

Mr Machar waxaa uu la midoobayaa kooxaha mucaaradka ee yaryar, iyo xoogaga kale ee siyaasadeed.

Dagaalka dalka South Sudan, laba milyan oo qof ayaa ku barakacday, tobannaan kun oo qofna way ku dhinteen.

Colaadaasi ayaa waxa ay bilaabatay bishii December ee sanadkii 2013kii.

Hadaba dib u noqoshada Machar ayaa loo argaa mid aad muhiim ugu ah nabadda dalkaasi.