Mooshinkii laga gudbiyay Madaxweynaha Dalka Brazil oo meel maray

0

Aqalka hoose ee dalka Brazil ayaa waxa ay meel mariyeen in mooshinka ka dhanka ah madaxweynaha Brazil horey loo sii wado.

Mooshinka ayaa waxa uu ka dhashay qalalaase dhanka siyaasadda ah oo ka jira Brazil.

Xildhibaanada waxa ay ansixiyeen arrintan mooshinka oo mucaaradka ay heleen laba meelood codadkii la dhiibtay.

Kiiska madaxweyne Dilma Rousseff waxa loo gudbinayaa aqalka Senate-ka, kaas oo la filayo in lix bilood ay shaqada ka joojiyaan madaxweynaha.

Mooshinka xil ka xayuubinta ahna wuu sii soconayaa illaa laga meel mariyo ama la laalo.

Shaqaalaha xisbiga Ms Rousseff waxa ay mucaaradka ku eedeynayaan inay afgembi siyaasadeed wadaan.

Waxay intaasi raaciyeen inay sii wadayaan dagaalka ay tallaabadaasi uga hortagayaan.

Waxa ay si adag u beenisay dhammaan eedaha loo jeediyay