DHAGEYSO WAREYSI:- Ciidamada Nabad Suggida Soomaaliya oo qabtay gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha Qarxa

0

Ciidamada Hay’adda Nabad Suggida iyo Sirdoonka Somaliya ayaa xalay 2:20 Daqiiqo waxa ay gacanta ku dhigeen gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha Qarxa, kaasi oo la doonaayay in lagu dhibaateeyo shacabka Somaliyed.

Gaarigaan oo noociisa uu yahay Kaarib, ayaa ciidamada waxa ay ku qabteen Degmada Dayniile gaar ahaan Xaafada Ciise Cabdi, kadib markii la helay macluumaadka ku aadan gaarigaan.

Gaarigaan Kaaribta ayaa waxaa laga buuxiyay waxyaabo loo adeegsan rabay Qaraxyada, waxaana ka mid ah Haamaha yar ee Suujimada, Xabadaha Qoriga loo yaqaanka Sabanka iyo waxyaabo kale.

Ciidamada ayaa sidoo kale gacanta ku dhigay Labo qori oo Nooca Ak47 ah, kaasi oo saarnaa gaariga kaaribta ah ee Qaraxa loo adeegsan rabay.

Ciidanka NISA ayaa sidoo kale gacanta ku dhigay dadkii saarnaa gaarigaasi oo aanan la shaacin tiradooda, balse sida Saraakiisha NISA ay sheegeen Baaris ay ku socoto Raggaasi.

Hoos ka Dhageyso Wareysiga:-