DHAGEYSO:- Maamulka Ahlu Sunna oo Dowlada ku Eedeeyay iney hub fara badan siisay Galmudug

0

Maamulka Ahlu Sunna ee gobolada Dhexe ayaa waxay sheegtay in Madaxda Dowlada ay ka soo horjeedaan nabada iyo Xasiloonida deegaanada gobolada Dhexe.

Sheekh Maxamed Shaakir oo ka mid ah masuuliyiin maamulka Ahlu Sunna ayaa sheegay in Dowlada aysan ahmiyad siin hormarinta deegaanada gobolada Dhexe.

Waxa uu sidoo kale sheegay in ay ku dadaalayaan sidii ay ugu tashan lahaayeen Dowlada iyo Beesha Caalamka.

Waxa uu xusay in hub fara badan ay ku arkeyn deegaanada gobolada Dhexe isla markaana aysan rumeysan doonin wada hadalada ay la galayaan maamulka Ahlu Sunna iyo Dowlada.

Hoos ka Dhageyso Codka:-