DHAGEYSO:- Axmed Madoobe oo baaq u diray Dowlada Federaalka Soomaaliya, kana hadlay Arrimo Xasaasi ah

0

Wasaaradda arimaha gudaha dowladda Soomaaliya ayaa shir ugu furmay xubno  ka socda Wasaaradaha Arrimaha gudaha maamul goboleedyada Dalka sida Puntland, Jubbland, Galmudug iyo Koofur Galbeed  iyo Xubno Matalaya Gobalada Hiiraan, Sh/Dhexe iyo Banaadir.

Shirkan ayaa waxaa hogaamin doona wasiiru dowlaha Wasaarada Arimaha gudaha dowlada Federaalka Soomaaliya Cabdirashiid Maxamed Xidig.

Shirka ayaa waxaa diirada lagu saari doonaan wada shaqeynta wasaaradaha maamul goboleedyada Dalka iyo Wasaarada Arrimaha gudaha ee dowlada Federaalka Soomaaliya.

Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam “ Axmed Madoobe” oo ka hadlaayay furitaanka Kuladnka ayaa Wasaarada Arrimaha gudaha ugu mahad celiyay sida ay doorkeeda iyo kaalinteeda ugu qaadaneyso hormarinta Wasaaradaha Arrimaha maamul goboleedyada Dalka.

Hoos ka Dhageyso Codka Axmed Madoobe:-