DAAWO:- Wasiir Ku xigeenka Maaliyadda Puntland oo ka warbixyay Safar shaqo uu ku tagay Kenya

0

Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Maaliyadda Puntland Axmed Yaasiin Saalax oo shir Jaraa’id xafiiskiisa ku qabtay ayaa ka warbixiyey safar shaqo uu kaga soo laabtay dalka Kenya.

Mudane Axmed Yaasiin Saalax ayaa magaalada Nairobi kaga qeybgalay shir ku saabsanaa Barnaamijka horumarinta Degmooyinka ee JPLG- ga.,isagoona mashruucaas ku tilmaamay mid dhaxalgal ah.

”Waxaan safar qaatay muddo shan beri ah kaga soo laabanay magaalada Nairobi ,wuxuu ahaa safarkii ansixinta Barnaamijka JPLG-ga ,mashruucaas oo ah mid dhaxalgal ah dalkana wax weyn kusoo kordhiyey”ayuu yiri

Waxa uu sheegay in mashruucan uu u qeybsan yahay Saddex qeybood dakhliga dowlada dhexe oo kabid laga bixiyo iyo dakhliga dowladaha hoose iyo Hay’adaha deeq bixiyaasha qeybtooda.

”Barnaamijkan mar walba sanadle ayaa lagu ansixiyaa sidaas ayaana lagu howlgalaa ,sanadku markuu dhammaadana saad ogsoon tihiin,Runtii dib u dhac ba ku yimid waxayna ahayd in sanadka bilowgiisii la ansixiyo “ayuu yiri

Dhanka kale Wasiir Kuxigeenka Maaliyadda Puntland Axmed Yaasiin Saalax ayaa ka hadlay Cashuuraha Beriga oo u sheegay iney jirto fahan darro shacabka ka haysata,isagoona bulshada ugu baaqay iney akhristaan

Buugga Cashuuraha Beriga si ay u oggaadaan Cashuurta ku waajibtay,wuxuuna digniin u diray muwaadiniinta caadeystay iney cashuurta la dhuuntaan.

Wasaarada Maaliyadu waxay mas’uul ka tahay bixinta dakhliga dowlada dhexe sidaa daraadeedna waxay halbowle u tahay isu socodka Barnaamijkan in uu noqday Barnaamij guul ah oo sidii loogu talagalay u qabsooma.

HALKAAN KA DAAWO