Daawo Sawirrada:Ardayda Jaamacadda Galgaduud oo Dooratey Gudoomiye.

0

Munaasabada Tartanka Doorashada Hogaanka Aradada Jaamacadda Galgaduud ayaa lagu qabtay gudaha Jaamacada Galgaduud Universty ee degmada Caabudwaaq.

Tartanka Doorashada Hogaanka Ardada oo ahaa Cod qarsoodi ah waxa isu soo taagay Qabashada xilkaasi 5 kamid ah Ardada Dhigata Jaamacada Galgaduud waxaana Codka lagu ridayay Sanduuq loo dhigay Ardada codka dhiibanaysay.

Musharaxiinta isu soo taagtay Qabashada xilka hogaankaa Ardada Waxaaa codka siinayay qaar kamid ah Ardada dhigada Kuliyadaha kala ah.

Kuliyadda Nursing
Kuliyadda Business Administration
Kuliyadda Shreeeca Wal-Qaanuun

Afhayeenka Gudiga doorashada Burhaan Cabdullahi Jaamac ayaa ugu horeyn ka hadlay habka ay u dhacay doorashada gudoomiyaha Ardada jaamacada galgaduud.

Doorashada oo aheyd laba wareeg ayaa Musharaxiinta ku loolamayay waxaa ay kala ahaayeen Mahad Maxamed Cawil, Nuur Xusseen Shiikhdoon, Bile Maxamed Diiriye, Xassan Axmed Diiriye iyo Mahad Xassan Muxumed.

Waxaana Codeynti koowaad ay u kla heleen Musharaxiinta

Musharax Nuur Xusseen Shiikhdoon Waxuu helay, 6. Cod
Musharax Xassan Axmed Diiriye Waxuu helay 3. Cod
Musharax Bile Maxamed Diiriye Waxuu helay 10. Cod
Musharax Mahad Xassan Muxumed Waxuu Helay 11 Cod
Musharax Mahad Maxamed Cawil, Waxuu helay 16. Cod

Waxaa wareegii labaad u soo Gudbay Mahad Maxamed Cawil iyo Mahad Xassan Muxumed Waxaana markii ay soo dhamaatey Codayntii dambe ku guulaystay Hogaanka Ardada Mahad Xassan Muxumed oo ku hantay xilkaasi 24 Cod.

Gudoomiyaha Gudiga doorashada C/kaafi jaamac Xanaf ayaa markii ay soo dhamaatay codaynta sheegay najiidadii Doorashada hogaanka Ardada.

DSCN8163 DSCN8172 DSCN8173 DSCN8179 DSCN8197 DSCN8201 DSCN8206 DSCN8232 DSCN8239 DSCN8291 DSCN8294 DSCN8298

DSCN8128 DSCN8130 DSCN8133 DSCN8134 DSCN8135 DSCN8136 DSCN8137 DSCN8141 DSCN8143 DSCN8147 DSCN8153 DSCN8154

C/kariin Axmed Bulxan
Caabudwaaq/Soomaaliya