TOOS U DHAGEYSO:- Odayaasha Gobolka Shabeelaha Hoose oo aan ka cabsan inay si sax ah kaga hadlaan Xasuuqa AMISOM ka wado gobolkaasi

0

Iyadoo shalay ciidamada Midowga Africa ee AMISOM ay duleedka deegaanka Buulo-mareer ee gobolka Shabeellaha Hoose ay ku dileen 4 ruux oo shacab ah,Waxaana taliska ciidanka Midowga Africa ee AMISOM ay qireen in dilkaasi ciidankooda ay geysteen.

Odayaasha iyo waxgaradka ku dhaqan gobolka Shabeellaha Hoose waxa ay ka hadleen tacadiyo ay ciidamada AMISOM ka geysanayaan gobolkaasi.

Kulan maanta ka dhacay duleedka deegaanka Buul-mareer oo ay isugu yimaadeen Odayaasha ayaa waxa ay si kulul uga hadleen dhibaatooyinka AMISOM ay ka wadaan gobolka Shabeellaha Hoose.

Waxaana Odayaasha ay sheegeen hadii AMISOM ay joojin weydo dhibaatooyinka in ay la dagaalami doonaan, iyagoo fariin udiray dowladda Soomaaliya taas oo ah in ay ka hadlaan dhibaatooyinka ay AMISOM ugeysaneyso dadka Shacabka ah.

Dhowr jeer oo hore ayaa ciidamada Midowga Africa ee AMISOM waxaa lagu eedeeyay in dhibaatooyin ka geysteen deegaano ka tirsan gobolka Shabeellaha Hoose.

HALKAAN KA DHAGEYSO