DHAGEYSO SHIR JARAA’ID:- Xildhibaano si kulul ugu hadlay Midab takoorka ay Puntland ku heyso dadka ka soo jeeda Koofurta

0

Xildhibaanadaan ka tirsan Baarlamaanka federaalka Soomaaliya oo manta kulan ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa eedeyn u jeediyay Madaxda maamulka Puntland.

Xildhibaanadaan ayaa Madaxda Puntland ku eedeeyay iney six un ula dhaqmayaan dadka ka soo jeeda Koofurta Soomaaliya.

Xildhibaanadaan ayaa sidoo kale Dowlada federaalka iyo Beesha caalamka ugu baaqay iney jawaab deg deg ah ka bixiyaan tacadiyada iyo midab ka takoorka ay sheegeen in lagu hayo dadka ka soo jeeda koofurta eek u sugan deegaanada Puntland.

Maamulka Puntland ayaa horay usoo saaray amaro ka dhan ah dadka ka soo jeeda koofurta eek u nool deegaanadaasi, waxaana Puntland ay sheegtay in dadka ka soo jeeda koofurta ay dhibaato iyo amni daro ka geystaan deegaanada Puntland.

Hoos ka Dhageyso Shirka Jaraa’id ee Xildhibaanada:-