WAR DEG DEG:- Wariye Caan ah oo lagu xeray Somaliland

0

Ciidamada Booliska Somaliland ee Magaalada Borama ayaa Xabsiga Wariye ka tirsan Mareegta Boramanews oo lagu Magacaabo Maxamed Cumar Jaray.

Maxamed Cumar Jaray ayaa loo haystaa Su’aalo uu weydiiyay Dadka ku nool Magaalada Borama oo ku aadanaa in Dadka ay kala sheegaan Heesta Astaanta Qaranka Soomaaliya iyo kuwa loo sameeyay Maamulka Somaliland.

Dadka Su’aalaha laweydiiyay ayaa dhamaan garan waayay Heesta Astaanta u ah Maamulka Somaliland,iyagoo qaaday Heesta Astaanta Qaranka Soomaaliya ee ah “Soomaaliyeey Toos”waxaana arrintaa ay caro ka dhex dhalisay Gudaha Somaliland.

Madaxweyne kuxigeenka Somaliland C/raxmaan Saylici  ayaa la sheegay inuu bixiyay Amarka lagu xiray Wariye Maxamed Cumar Jaray.