WAR DEG DEG:- Dagaal beeleed Xoogan oo hada ka socda Duleedka Magaalada Baledweyne

0

Wararka naga soo gaaraya Duleedka Magaalada Baledweyne Ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya inuu ka soconayo Dagaal Xoog leh oo u dhexeeya Labo Maleeshiyo Beelood.

Dagaalka ayaa ka Qarxay Degaanka Yarmoog oo 25-km dhanka Galbeed ka xiga Magaalada Baledweyne.

Goobjoogeyaal ayaa sheegay in Dagaalka uu yahay mid la isku adeegsanayo Hubka Nuucyadiisa kala duwan islamarkaana aan la ogeyn waxa Sababay.

Sidoo kale wali lama hayo Khasaaraha ka dhashay Dagaalka,maadama uu wali soconayo.