UPDATE:- 12-Ruux Soomaali ah oo ku geeriyootay dalka Angola

0

Dalka Angoola oo ku yaalla Koofurta Qaaradda Afrika waxaa Dhamaadka Sanadkii lasoo dhaafay 2015 ka dillaacay Cudur dilaa ah oo loo yaqaanno Yellow Fever, kaas oo galaaftay nolosha muwaadiniin badan oo xanuunkaasi uu soo ritay.

Magaalada Luanda ee ah caasimadda dalka Angola waxaa ku nool Soomaali lagu qiyaasay Shan Kun oo ganacsi kala duwan ku leh dalkaasi.

Soomaalida ku nool dalkaasi waxa ay qeyb ka noqdeen dadka uu saameynta xooggan ku yeeshay Xanuunkaasi, waxaana taas ay sababtay in dad badan ay dalkaasi isaga baxaan kuwaas oo sida la tilmaamayo Qaarkood Soomaaliya ay dib ugu soo laabteen halka kuwa kalana ay aadeen dalka Koofur Afrika.

Maxamed Dhiblaawe Waa Afhayeenka Jaaliyadda Soomaaliyeed Ee Dalka Angoola, Waxa uu Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee SONNA u sheegay in labadii bil ee la soo dhaafay uu Cudurka Yellow Fever galaaftay nolosha 12 Qof oo Soomaali ah 20 kalana ay Cisbitaalada ku jiraan.

“bishii Febarayo taariikh 27 ee sanadkan ayuu caasimadda Luanda ku dilay wiil Soomaali ah waqtigaas illaa maanta waxaan mareynaa 12 Qof oo Soomaali ah. Cudurka waa mid halis ah soomaalida ku nool waddankanna aad ayuu u saameeyay dadbadan ayaa cisbitaalada ku jira dad badan ayaa dalkan isaga soo cararay” ayuu yir Maxamed Dhiblaawe.

Afhayeenka ayaa intaa raaciyay “Waxaan ka walwalayaa in dalka Soomaaliya uu ku faafo Cudurkan Maadaama dad qabay xanuunka ay dalka Soomaaliya soo aadeen, waxaan soo jeedinayaa in dowladda Soomaaliya ay Arrinta ka Foojignaato”

Mid kamid ah Soomaalida uu Xanuunkan ku dhacay Balse ka soo Bogsaday oo lagu Magacaabo Cumar Xasan ayaa SONNA u sheegay Cudurkan uu saameeyay dad badan oo soomaaliyeed cusbitaalkana ay la jiifeen 2 ruux oo saamaali ah kuwaas oo xanuunkan uu soo ritay dalka Angolana ay dadka oo dhan dhulka la jiifaan.

“ilaah ayaan bariyay Matag ayaa igu billaawday indhaha ayaa I Cagaartay isbitaalka ayaa la igeeyay wax ogaal ah ma laheyn oo Koomo ayaan galay, 7 maalmood ayaan cisbitaalka ku jiray”ayuu yir Cumar Xasan.

Astaamaha Cudurkan lagu Garan karo waxaa kamid ah, indhaha oo ku cagaarta, Hunqaaco, iyo Shuban, iyadoo qofka uu soo rito uu ugu dambeyn soo matago Dhiig daqiiqado kadibna naf- baxo.

Xigasho SONNA