TOP NEWS:- Wadanka Ukraine oo R/wasaare cusub yeeshay

0

Xildhibaanada baarlamaanka dalka Ukraine ayaa u doortay R/wasaaraha dalkaas Volodymyr Groysman oo sidoo kalena ah gudoomiyaha baarlamaanka dalkaas labo cisho kadib markii R/wasaarihii dalkaasi is casilay.

Volodymyr Groysman ayaa helay codadka ugu badan  helay waxaana uu ku dhawaaqay inuu soo dhawaynayo sida doorashadu u dhacday.

R/wasaaraha cusub ayaa maalmo ku qabsaday inuu xukuumad kusoo dhisayo waxaana uu balan qaaday inuu wax ka badalayo siyaasadda dalkaas.