TOP NEWS:- Golaha wasiirada Jarmalka oo meel mariyay Qorshe Ciidamada biyaha Soomaaliya lagu kordhinaayo

0

Golaha Wasiirada Dalka Jarmalka ayaa meelmariyay in mudoo kordhin loo sameeyo howlgallada militari ee Ciidamada Dowladda Jarmalke ee qeybta ka ah howlgalka Midowga Yurub ee lagula Dagaalamayo Burcad Badeeda Soomaaliyeed.

Wasiiradaan ayaa go’aansaday in Ciidamada Dalka Jarmalka loo daabulo Dalka Soomaaliya, si ay uga mid-noqdaan kuwa kale ee haatan wada howlgallada ka dhanka ah Kooxaha Burcad Badeeda Soomaaliyeed.

Qorshahan la doonayo in Ciidamada lagu kordhiyo biyaha Soomaaliya ayaa weli u baahan meelmarinta Xildhibaanada Baarlamaanka Dalkaasi Jarmalka.

Ugu dambeyn, Ciidamadan ka socda Dalka Jarmalka ayaaa loo daabuli doonaa Biyaha Soomaaliya, waxaana halkaasi ay ku sii nagaan doonaan ilaa inta laga gaaro 31-Bisha May ee Sanadda 2017-ka.