TOP NEWS:- Dhalinyaro Soomaaliyeed oo maxkamad lagu soo taagay dalka Faransiiska

0

Todobo dhalinyaro Soomaali ah ayaa maxkamadda ku taala dalka France, waxaa ay ku xukuntay xabsi u dhaxeeya 6 ilaa 15 sano maalintii Arbacadii kadib markii lagu heley dambi ah dil iyo afduub oo dhacay sanadkii 2011 gacanta Cadmeed.

Farxaan C/salaam Xasan iyo Axmed C/laahi, ayaa lagu xukumay muddo 15 sano ah maadaama maxkamaddu ay sheegtay in ragan ay ahaayeen hogaamiyeyaasha kooxdan, halka Farxaan Maxamuud Abshir lagu riday xukun ah lix sano isla markaana xanuun dhanka maskaxda ah la soo derisay mudadii uu xirnaa sida laga soo xigtay qareenkiisa.

Christian iyo Evelyne Colombo oo ahaa lamaane u dhashay dalka France, waxaa ay ku guda jireen socdaal dhanka badda ah oo ay aduunka oo dhan ku marayeen iyagoo kooxo burcad badeed ah ay ka afduubeen badda Cas sanadkii 2011.

Qoyska Colombo, waxaa ay sheegeen in xukunkan uusan ahen mid si cadaalad ah u dhacay maadaama sida ay aaminsan yihiin xukunka loo khafiifiyay kooxdan.

Dhalinyarada Soomaaliyeed ee loo heystay burcad badeednimada ayaa maxkamadda ka codsaday in la cafiyo maadaama wadanka Soomaaliya ay sheegeen in aysan ka jirin fursado shaqo oo ay dhalinayarada nolashooda ay ku maareeyaan.

Xukunka ay maxkamadu ku riday dhalinayarada ayaa laga jari doonaa mudadii ay ku jireen xabsiga taas oo ka dhigan in kuwo lagu xukumay lixda sano ay hadda ugu harsan tahay xukunkooda hal sano oo kali ah.

Falalka burcad badeednimada ah ayaa hoos u dhacay kadib markii ciidanka la dagaalanka burcad badeeda ee midowga Yurub howlgal ka bileebeen xeebaha Soomaaliya.