ISCASILAAD:- Agaasimihii Warbaahinta Galmudug oo shaqada ka tegay

0

ISCASILAAD: Anigoo Agaasimihii Warbaahinta Galmudug Abdifitahaam Ahmed waxaa Bulshada Soomaaliyeed Saakay Ogaysiinayaa inaan iska casilay Xilkii aan ka hayay dowlad goboleedka Galmudug kuna magacownaa ee Agaasimaha guud ee Warbaahinta Galmudug.

(Radio and TV) Iyo Xiriirka Warbaahinta Gaarka loo leeyahay (Director of Galmudug State Media And Public Relations Private Media at Galmudug State of Somalia).

Ma rabo inaan halkaan ku qoro sababaha rasmiga ah ee ugu kaliftay inaan xilka baneeyo balse waxaa muuqata oo wax qarsoon ahayn habacsanaanta Shaqo iyo Maamul ee Galmudug ka jirta.

Sidaasi darteed waxaa go’aansaday inaan waqti dambe isaga lumin oo fursad siiyo Dhalinyarada kale ee xilkaasi buuxin karta anigana aan isku diyaariyo fursado kale oo ka muhiimsan.