DHAGEYSO WAREYSI XASAASI AH:- Maamulka Khaatumo oo ka soo horjeestay Go’aanada ka soo baxay Shirkii Muqdisho

0

Iyadoo dhowaan magaalada Muqdisho lagu soo gaba gabeeyay shirkii Madasha Qaran ee looga hadlayay doorashada sanadkan Soomaaliya ka dhaceysa iyo waliba qaabka ay udhaceyso ayaa waxaa ka hadlay maamulka Khaatuma.

Axmed Xaaji Cali oo ah wasiirka warfaafinta maamulka Khaatuma ayaa waxa uu la soo xiriiray Idaacadda Risaala waxaana uu sheegay in gabi ahaanba maamulka Khaatuma ay ka soo horjeedaan qodobadii ka soo baxay heshiiskii magaalada Muqdisho lagu gaaray oo ay yeesheen madaxda Soomaalida.

Waxa uu sidoo kale sheegay wasiirka in cid ka socotay maamulka Khaatuma aysan jirin oo ka qeyb gashay shirkii Muqdisho lagu soo gaba gabeeyay, taasina ay micnaheedu tahay in aysan saameyn ku yeelaneyn maamulka Khaatuma qodobadii ka soo baxay shirkii lagu soo gaba gabeeyay Muqdisho.

Shirkii Madasha Qaran ee Muqdisho lagu soo gaba gabeeyay ayaa waxaa ka qeyb galay madaxda dowladda Soomaaliya iyo madaxda maamul goboleedyada, waxaana looga hadlayay qaabka ay sandkan dalka uga dhaceyso doorasho.

Dhowaan ayay aheyd markii maamulka Khaatuma ay horey xiriirika ugu jareen dowladda Soomaaliya.

HALKAAN KA DHAGEYSO WAREYSIGA