DHAGEYSO:- Mas’uuliyiinta Dab damiska Gobolka Banaadir oo shaaca ka qaaday sababaha Keena Dabka soo laab laabta ee waxyeelo u geysta qeybo ka mid ah Magaalada

0

Mas’uuliyiinta Laanta Dab damiska Gobolka Banaadir ayaa digniin ka soo saaray Qashinka yaalla inta u dhaxeysa Dekadda Magaalada Muqdisho iyo Xabsiga dhexe ee Xamar,halkaas oo uu ku yaallo God weyn oo Qashinka lagu shubo.

Xalay ayuu halkaasi Dab ka kacay,waxaana ay Shaqaalaha Laanta Dab damiska Gobolka Banaadir ku guuleysteen in ay damiyaan Dabkaasi.

Agaasimaha Waaxda Dab damiska Dowladda hoose ee Muqdisho Cabdullahi Max’ed Saneey,ayaa sheegay in iyaga la soo war geliyay markii uu Dabku kacay,kaas oo gaarayay Dekadda iyo Xabsigaba,waxaana uu ku baaqay in Hay’adaha Nadaafadda Gobolka ay ka howlgalaan Godkaasi oo uu sheegay in uu ka weyn yahay 8Mitir Qashin bandanna uu ku jiro.

Haddii sidaa lagu daayo ayuu sheegay in uu ka dhalan karo khasaare,iyada oo dabkii xalay uusan khasaaro geysan,hayeeshee ay suuragal tahay in mar kale uu dabkaasi mid la mid ak ka kici karo isla goobta uu Xalay ka kacay.

HALKAAN KA DHAGEYSO