DHAGEYSO:- Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan xasaasi la qaatay Dhigiisa Suudaan

0

Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa gelinkii dambe ee shalay waxa ay gaareen dalka Sudan, halkaasi oo uu ku soo dhaweeyay dhigiisa dalka Sudan Cumar Xasan Al-bashiir.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xarunta Madaxtooyada ee Sudan xalay waxaa loogu sameeyay kulan casho ah, iyadoo ay ka qeyb galeen  mas’uuliyiin ka tirsan labada dowladood, mas’uuliyiinta safaaradda Soomaaliya ee Sudan iyo Diblomaasiyiin kale.

Maanta ayaa lagu wadaa in kulan ay wada qaataan Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Sudan oo ka wada hadli doono arrimo badan oo ay ka mid tahay xaaladda dalka iyo sidii ay xoojin lahaayeen xiriirka saaxiibtinimo ee ka dhexeeya labada dal.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la filayaa in uu khudbad u jeediyo ardayda Soomaaliyeed ee wax ka dhigata Jaamacadda Afika ee dalka Sudan ku taalla, kuwaasi oo uu kala hadli doono sidii ay uga qeyb qaadan lahaayeen marka ay waxbarashada u soo dhamaato dib u dhiska dalkooda.

HALKAAN KA DHAGEYSO