DAAWO:- Madaxweyne Gaas oo ka hadlay World Vision oo kaliya qof aan Muslim aheyn ka raadsaneyso Deegaanada Puntland

0

Madaxweynaha dawladda Puntland Dr Abdiweli Maxamed Ali Gaas ayaa ka jawaabay su’aal laga weydiiyey mid kamid ah NGO-yada caalamiga ah ee Soomaaliya ka howlgala oo dhawaan Boos Shaqo oo ka banaan Sharuudaha looga baahan yahay qofka qabanaya lagu sheegay in uu yahay qof aaminsan aaminsan Kiristaanimo, taas oo ay dadka Soomaaliyeed aad ula yaabeen.

NGO-yada caalamiga ah waxay Soomaaliya ka wadaan fidinta Diintooda, taas oo aan aheyn wax ay qarsanayan, horey Hay’addo waa weyn oo katirsan Qaramada Midowbay ayaa u qaban jiray Shaqada fidinta Christian-ka, balse hadda kuwa cusub oo aan qarsaneyn ayaa lasoo baxay.

Madaxweyne Gaas wuxuu sheegay in ay ayagu garanayaan ujeedada ay ula jeedaan, sidaas oo kale wuxuu is weydiiyey meeqa Christian ah ayaa joogta Garoowe, meeqo Cadaan ah ayaa jooga, Kenyaati, Ugaandhiis dhamaantoodna ah Gaalo.

Madaxweynaha dawladda Puntland wuxuu sheegay in ay World Vision mabaa’diida ay ku dhisan tahay tahay qaabka fidinta Christian-ka, laakiin wuxuu sheegay in ay dabcan tahay baafintooda iyo raadinta qofka ay raadinayaan in uusan aheyn Soomaali Christian ah, balse uu yahay qof u dhashay wadamadaas kale oo Christian ah, taas oo u muuqata in ay World Vision shaqada ay wado ka sokow ay tahay koox gaar ah oo fidinaysa Christian-ka.

HALKAAN KA DAAWO