DAAWO:- Maamulka Puntland oo sheegay in la qaban doono dhowaan Shir weyne ku saabsan dib u eegista dastuurka kumeelkaarka ah ee Soomaaliya

0

Madaxwaynaha dowladda Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo shalay maqribkii dib ugu soo laabtay magaalada Garoowe, ayaa cadeeyay in la qaban doono dhawaan shir ku saabsan dib u eegista dastuurka kumeelkaarka ah ee Somalia.

Gaas ma cadayn, xilliga uu dhacayo shirkaasi, balse waxaa uu tilmaamay in lagu qaban doono caasumada Puntland ee Garowe, isla mar ahaantaana socon doono mudo 10-beri-ya.

Sida ku cad war-murtiyeedkii soo baxay 12-bishan April, ayaa lagu sheegay in shirka dib u milicsiga darsuurka KMG ee Somali lagu qaban doono caasumada Puntland ee Garowe, dhicina doono 10-20 May 2016.

Madaxda Madasha Hoggaanka Qaran waxay kaloo go’aansadeen:

1. In Garoowe lagu qabto shirka dastuurka qaranka 10-20 May 2016. Waxaa qabashada shirka dastuurka qaranka ka horrayn doona kulan ay yeelan doonaan Madaxda Madasha Qaran oo lagaga doodi doono, loogana heshiin doono arrimaha siyaasadeed ee dastuuriga ah ee khilaafku ka jiro si loo dardar-galiyo dib u eegista dastuurka.