DAAWO:- Amaanka Garoonka diyaaradaha ee magaalada Gaalkacyo oo si weyn loo adkeeyay iyo qalab cusub oo Baaritaan ah..

0

Waxaa si weyn loo adkeeyay amaanka garoonka diyaaradaha ee magaalada Gaalkacyo, iyadoo si aad ah looga feejigan yahay qalabka Electroniga.

Siciid C/rixmaan Yuusuf Maareeyaha garoonka diyaaradaha C/laahi Yuusuf ee magaalada Gaalkacyo ayaa sheegay qalab loo isticmaalo baaritaanada dhanka amaanka garoonka in la keenay, iyadoo laga duulaayo xaqiijinta amaanka.

Waxaana uu sheegay dadka gudaha galaayo garoonka inay maraan dhowr goobood oo lagu baaraayo alaabta ay wataan iyo qofka shaqsiga intaba, waxaana uu tilmaamay in tani ay qayb ka tahay xaqiijinta amaanka.

Dhawaanahan garoomada diyaaradaha Soomaaliya waxaa si aad ah looga feejigan yahay Computerka (Laptob-ka) oo dhowr mar loo adeegsaday qaraxyo kala duwan oo ka dhacay garoonka diyaaradaha Muqdisho iyo garoonka diyaaradaha magaalada Beledweyne.

1 2 3 4 5 7 8 9 10