TOOS U DHAGEYSO:- Waa sidee Saaka xaalada Magaalada Cadaado oo dagaal uu ka dhacay

0

Iyadoo shalay gelinkii dambe uu dagaal ka dhacay gudaha garoonka diyaaradaha ee magaalada Cadaado ayaa saakay wararka halkaasi ka imaanaya waxa ay sheegayaan in jawiga uu yahay mid degan.

Dagaalka garoonka Cadaado ka dhacay ayaa waxa uu udhaxeeyay ciidamada maamulka Galmudug iyo ganacsatada halkaasi uu uga soo dego qaadka.

Weerarkan ayaa waxuu ka dambeeyay isqab-qabsi maalmihii ugu dambeeyay u dhaxeeyay Ganacsatada qaadka u soo dagga iyo Maamulka Galmudug, iyadoona amaanka Garoonka Magaalada Cadaado hada ka dib si toos ah loogu wareejiyay Ciidamada Nabad Sugidda Soomaaliya.

Dadka deegaanka ah ayaa waxa ay sheegayaan in kooxo hubeysan ay weerar ku qaadeen garoonka diyaaradaha ee magaalada Cadaado kuwaas oo la sheegay in ay ka amar qaataan ganacsatada qaadka uu uga soo deggo garoonka.

Wararka ayaa sheegaya in shalay qaadka laga soo dejiyay garoonka diyaaradaha ee magaalada Caabud-waaq ee gobolkaasi Galgaduud kadib markii amaanka garoonka lagu wareejiyay ciidamada Nabad Sugida.

Waxaana wararka qaar ay sheegayaan in Odayaal iyo Waxgarad ay ku baxeen xiisadaha u dhaxeeya kooxda hubeysan iyo maamulka Galmudug.

Ilaa iyo hadda lama oga khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay dagaalkii ka dhacay gudaha garoonka diyaaradaha ee magaalada Cadaado ee Maamulka Galmudug.

HALKAAN KA DHAGEYSO