Madaxweynaha Soomaaliya iyo Wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Dalka Sudan

0

Madaxweynaha Dowlada Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa gelinkii dambe ee maanta gaaray dalka Sudan, halkaasi oo uu ku soo dhaweeyay dhigiisa dalka Sudan Cumar Xasan Al-bashiir.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xarunta Madaxtooyada ee Sudan caawa loogu sameynayaa kulan casho ah, iyadoo ay ka qeyb gali doonaan mas’uuliyiin ka tirsan labada dowladood, mas’uuliyiinta safaaradda Soomaaliya ee Sudan iyo Diblomaasiyiin kale.

Maalinta berito ah ayaa lagu wadaa in kulan ay wada qaataan Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Sudan oo ka wada hadli doono arrimo badan oo ay ka midtahay xaaladda dalka iyo sidii ay xoojin lahaayeen xiriirka saaxiibtinimo ee ka dhexeeya labada dal.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la filayaa in uu khudbad u jeediyo ardayda Soomaaliyeed ee wax ka dhigata Jaamacadda Afika ee dalka Sudan ku taalla, kuwaasi oo uu kala hadli doono sidii ay uga qeyb qaadan lahaayeen marka ay waxbarashada u soo dhamaato dib u dhiska dalkooda.