Faah faahino dheeraad ah oo ka soo baxaya Dabkii ka kacay Muqdisho iyo Goobta rasmiga ah uu ka kacay oo la ogaaday

0

Waxaa faah faahino dheeraad ah ay ka soo baxaya dab Xoogan oo Saacado ka hor ka kacay inta u dhaxeysa Dekeda weyn ee Muqdisho iyo Xabsiga Dhexe ee Xamar.

Wararka aan heleyno ayaa sheegay in dabka uu ka dhashay goob Qashinka la dhigo oo dadka ka agdhaw ay dab qabadsiiyeen ka dibna halkaas uu ku faafay.

qof ka mid ah dadka deegaanka oo goobta uu dabka ka kacay ku sugan ayaa inoo sheegay in ay socdaan dadaalo lagu daminayo dabkaasi.

“Dabka ma weyna hadda goobta ayaan ku suganahay waxaana ku howlannahay in uusan xabisga iyo dagaddaba ku faafin dabku”ayuu yiri qofkaasi nala hadlay.

Sidoo kale waxaa goobta uu dabka ka kacay gaaray Saraakiil ka tirsan Xabsiga Dhexe ee Xamar, Masuuliyiin ka tirsan Dekeda Muqdisho, iyo Maamulka gobolka Banaadir.

Sidoo kale Waaxda Dab damiska ee Maamulka Gobolka Banaadir ayaa iminka ku howlan daminta dabkaasi ka kacay inta u dhaxeysa Dekeda weyn ee Muqdisho iyo Xabsiga Dhexe ee Xamar.

ilaa hada lama ogo khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dabkaasi iyo sababta ugu weyn ee keentay inuu dhaqso faafo.

Codad iyo Sawiro kala soco Shabakada Wararka Allgalgaduud.com…