DHAGEYSO WAREYSI: Askari ka tirsan Ciidanka Dowlada oo Mahadaay ku dhaawacay Askari kale iyo dad shacab ah

0

Wararka inaga soo gaaraya degmada Mahadaay ayaa waxa ay sheegayaan in askari ka tirsan dowladda Soomaaliya ay qoraygiisa xabado ay ka fakadeen ka dibna dhaawac ugeystay 2 askari oo dowladda Soomaaliya ka tirsan.

Waxaana 2-da askari halkaasi ku dhaawacmay loola cararay goobaha caafimaad ee halkaasi ka dhawaa, iyadoo xaaladooda ay tahay mid soo hagaageysa.

Gudoomiye ku xigeenka degmada amniga iyo siyaasadda degmada Mahadaay Axmed Xuseen Cabdulle ayaa sheegay in iska hor imaad aysan aheyn xabadaha laakiin ay ahaayeen xabado faktay, iyadoo warbaahinta qaar ay sheegeen in iska hor imaad halkaasi uu ka dhacay.

Gudoomiyaha ku xigeenka degmada amniga iyo siyaasadda degmada Mahadaay Axmed Xuseen Cabdulle ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in goobta ay wax ka dhaceen hada ay tahay mid degan.

Hoos ka Dhageyso Wareysi:-