DHAGEYSO SHIR JARAA’ID:- Maamulka Somaliland oo ka soo horjeestay qodobadii ka soo baxay Shirkii Muqdisho

0

Maamulka Somaliland ayaa jawaab kulul ka bixisay qodobadii laga soo saaray Shirkii shalay lagu soo gabagabeeyay Magaalada Muqdisho ee la xiriiray doorashada Soomaaliya.

Wasiirka Wasaarada Warfaafinta Somaliland Cabdillaahi Cismaan Saxardiid “Caddaani” oo Maanta shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Hargeyso ayaa sheegay in go’aannadaasi aanay khusaynin maamulka Somaliland.

Waxa uu sidoo kale sheegay Wasiirka in deegaanada maamulka Somaliland uusan ka dhaqan geli doonin qodobadaasi ka soo baxay shirkii muqdisho lagu soo gabagabeeyay.

Wasiirka Warfaafinta maamulka Somaliland ayaa waxa uu sidoo kale sheegay in qodobada Somaliland quseeya ee shirka laga soo saaray ay jebinayaan heshiiskii horey u dhex maray Somaliland iyo Dowlada Federaalka Soomaaliya.

Hoos ka Dhageyso Shirka Jaraa’id ee Wasiirka:-