DEG DEG:- Dab Xoogan oo goor dhaw ka kacay goob Caan ah oo Muqdisho ku taalla

0

Waxaa goor dhaweyd uu dab Xoogan ka kacay Meel u dhaw Dekeda weyn ee magaalada Muqdisho, waxaana la sheegay in dabka uu ku sii faafayo Dekeda Muqdisho iyo Xabsiga Dhexe ee Xamar..

Gawaarida dab damiska ee Maamulka Gobolka Banaadir iyo kuwa gaarka loo leeyahay ayaa hada ku qulqulaya goobta uu dabka ka kacay.

Sidoo kale waxaa soconayo dadaalo ay wadaan Maamulka Dekeda Muqdisho, Saraakiisha Xabsiga Dhexe iyo Maamulka Gobolka Banaadir ee ku aadan sidii loo damin lahaa dabkaasi.

kala soco wixii warar ah ee soo kordha Shabakada Wararka Allgalgaduud.com..