DAAWO: Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe Oo Dib Ugu Soo Laabtay Magaalada Kismaayo Iyo Madaxweyne Ku Xigeenka Jubbaland Gen. Fartaag Oo Soo Dhaweeyay.

0

Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Mudane Axmed Madoobe ayaa dib ugu soo laabtay magaalada Kismaayo kadib markii uu magaalada Muqdisho uga qayb galay shirkii madasha wadatashiga qaran oo looga hadlayay sida loo wajahayo doorashada sanadkan 2016-ka ka dhacaysa dalka.

Madaxweynaha iyo Wafdigiisa ayaa markii ay soo gaareen magaalada Kismaayo ayaa waxa uu la hadlay warbaahinta waxa uuna sheegay in shirkii madasha wadatashiga uu ku dhammaaday guul uuna ahaa mid taariikhi ah oo madaxda Soomaaliyeed laga dareemayay masuuliyad wadaninimo.

Wafdiga uu horkacayay Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe  ayaa markii ay soo gaareen magaalada Kismaayo waxaa kusoo dhaweeyay Madaxweyne Ku Xigeenka Maamulka Jubbaland Gen. Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag iyo madaxda kale ee maamulka Jubbaland.

 

 

 

Hoos Ka Daawo