TOP NEWS:- In ka badan Toban Kun Qof oo Ergo ah ayaa soo xuli doona 275 Xildhibaan ee aqalka Hoose

0

Shirka Madasha hogaanka Qaran ayaa waxa uu maalmahan ka socday magaalada Muqdisho, waxaana shirkaas looga hadlayay arimo badan oo la xiriira doorashada sanadan dalka ka dhaceysa.

Waxaana kulankan ka qeyb galay madaxda dowladda Soomaaliya, beesha caalamka iyo madaxda maamul goboleedyada.

Maanta ayaana Muqdisho lagu soo gaba gabeeyay waxaana laga soo saaray war murtiyeed ka kooban dhor qodob.

135 Oday dhaqameed ayaa soo xuli doona ergada dooranaysa musharaxiinta u taagan xildhibaanada aqalka hoose.

Waxaa  war murtiyeedka qeybtiisa Aqalka Hoose lagu cadeeyay in musharax kasta oo u taagan Aqalka Hoose lagu soo dooran doono Ergo doorasho ah oo ka kooban 50 codbixiye ah, iyadoo wadarta guud ee Ergada ay noqoneyso 27550 =13750 qof.

Xubnaha Ergada doorasho ayaa waxaa lag soo xulayaa Jillibyada beesha uu kursiga ka dhaxeeyo, waxaana ay kala matali doonaan qeybaha kala duwan ee mujtamaca oo ay ka mid yihiin bulshada, dhalinyarada iyo bulshada rayidka ah.

Dalka Soomaaliya ayaa waxaa la filyaa in sanadkan 2016-ka ay ka dhacdo doorasho.