Soomaali laga sii daayay Xabsiyada dalka Masar

0

Xukuumadda Masar ayaa siidaysay taariibayaal Soomaaliyeed oo ku xirnaa  xabsiyo kuyaal waqooyiga dalka masar .

Tirada dadka la siidaayey ayaa lagu sheegay in ay gaarayaan 100 qof oo isku jira rag iyo dumar ,waxayna la sheegaya in 53 ka mid ah dumar yihiin halka 40 kalana ay rag yihiin.

Dadka ayaa la sheegay in qaarkood ay muddo ku dhow 11 maalmood ku xirnayey xabsiyo ee kuyaala waqooyiga  dalka Masar.

Dadka la siidaayey ayaa la sheegay in qaarkood laga soo dhex qabtay magaalada Qaariha ee Caasimada Dalka Masar.

11 maalmood ka hor ayey ciidamada dalka waxay bilaabeen howlgal ay kusoo qabqabnayaan Soomaalida doonaysa in ay ka gudbaan dalka masar dhanka wadamada qaarada yurub.

Soo deynta dadkaan ayaa la sheegay in ay gacan ka geystay ha’yada qaxootiga Aduunka ee UNCHR waxayna la sheegay in ay dowlada Masar ka codsatay in lasii daayo dadkaan muhaajiriinta ah.

In ka badan 100 qof Soomaali ah ayaa wali la aaminsanyahay in ay ku xiranyihin xabsiyo kuyaala dalka masar gaar ahaan xabsiga lagu magacaabo Alqanaadi.