DHAGEYSO:- Isgaarsiinta Degmada Hobyo oo dib Hawada ugu soo laabatay

0

Iyadoo Labadii Maalin  ee la soo dhaafay ay hawada ka maqneyd Isgaarsiinta Degmada Hobyo islamarkaana ay Wararku sheegayeen in Shabaab ay jareen Isgaarisiinta Hobyo iyo Xarardheere ayaa maanta waxaa dib u soo laabtay Isgaarsiinta.

Sidoo kale waxaa maanta soo baxay in Al-shabaab ay halkaa Doomo ku gaaren islamarkaana ay la Wareegeen Degmada Hobyo ee Maamulka Galmudug.

Guddoomiya Magaalada Hobyo ee Maamulka Galmudug C/llaahi Axmed Cali ayaa sheegay in Wararka sheegaya in Shabaab ay la wareegeen Hobyo ay tahay Been abuur islamarkaana aysan jirin Wax Shabaab ah oo soo gaaray Hobyo.

Guddoomiyaha ayaa intaa ku daray in Maamulka Magaalada Hobyo Degmada ka wadaan Howlo hormarineed.

Hoos ka Dhageyso Codka:-