XOG:- Madaxweynaha Puntland oo Berri ku wajahan Magaalada Muqdisho

0

Warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya madaxwaynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali (Gaas) inuu ku wajahan yahay maalinta beri (Jimce) ama Sabtida magalo madaxda Soomaaliya ee Muqdisho.

Socdaalka Gaas ee Muqdisho ayaa la xiriira ka qayb galka shirka madaxda Soomaalidda u furmaya tobanka bishaan, kaasoo lagu wado in looga wada hadlo halka lagu qabanayo doorashada 2016 oo ay ka harsan tahay wax ka yar shan bilood.

Madaxda mamulada dalka iyo DF ayaa isku raaacsan hadda in doorashada lagu galo aqalka hoose hanaanka hab qaybsiga qabiilka ee 4.5 ka dib markii Puntland oo muddo diidanayd ay yeeshan nidaamkaasi axadii lasoo dhaafay 3-April.

Shirka madaxda mamulada iyo DF ayaa la rumaysan yahay inuu qayb ka yahay dadaalada lagu diyaarinayo doorashada qabsoomi doonto, walow dad badani ay aaminsan yihiin heshiiska Puntland iyo DF wada gaareen uu wax kasoo noqdo maadama madaxwaynaha Khaatumo Cali Khaliif Galayr uu ka hor yimi.

Heshiiska Puntland iyo DF oo awood badan siinaya madaxwaynaha Puntland ayaa waxaa laga yaabaa marka la hor geeyo fadhiga Baarlamaanka in qodobo laga saaro walow Puntland ay sheegtey wixii kasoo noqda inay damiin ka tahay IGAD.